About Us

First Online Training Center in Somalia.
e-learning

Somali Virtual Academy (SOMVA)

First Online Training Center in Somlia.

Somali Virtual Academy (SOMVA) waa shabakad si online looga barto culuumta kambiyuutarka, waxayna bixisaa koorsooyiin dhameystiran taasoo markaad dhameyso koorso kasta aad heli karto shahaado muujineysa waxa aad baratay.

Sidoo kale waxay SOMVA u sahashaa ardayda qaadanaya koorsada inay si live ah ula sheekeysan karaan macalinka bixinaya koorsada xiliyada uu online-ku yahay.

Dhamaan koorsooyiinka ay bixiso SOMVA waa koorsooyiin casharo video duuban ah, kaasoo u sahlaya ardayga inuu waqtiguu doono, goobtuu doono, & aalad kastuu haystaba sida Smart Phones-ka, Tablets-ka & waliba PC-yada uu ku qaadan karo koorsada.

Maadaama ay Soomaaliya ka mid tahay wadamada soo koraya, wadankana ay ka jirto baahi weyn oo loo qabo dhanka software solutions si loo xaliyo problems-ka jira, ayey SOMVA u istaagtay sidii ay kusoo saari lahayd khubaro ku takhasusay Software/App Development-ga si kor loogu qaado aqoonta dadka yaqaana xirfadaan, & waliba in lasoo saaro khubaro yaqaana sida loo dhiso Softwares-ka, Website-yada, Mobile Applications-ka & iwm si loo xaliyo problem kasta oo jira.

SOMVA waxay hiigsaneysaa sidii ay ku noqon lahayd hogaanka shabakadaha bixiya Online Training-ka ee ku baxa afka Soomaaliga.

SOMVA waxay ku hamineysaa sidii ay ku noqon lahayd dooqa koowaad ee dadka jecel inay qaataan training & waliba shirkadaha jecel in loo tababaro shaqaalahooda meel ay kusoo hirtaan.

Xubnaha SOMVA

Shabakada SOMVA.com waxay u banaan tahay oo macallin ama xubin ka noqon kara qof kasta oo aqoon & khibrad u leh hawlaha shabakada, waxaana gacmo furan kusoo dhaweeneynaa qof kasta oo jecel inuu aqoontiisa uu uga faa’ideeyo bulshada inteeda kale, iyo waliba qof kasta oo talo iyo tusaale inoo hayana waan soo dhaweyneynaa fikirkiisa.

 

team1

Dalmar Yusuf [ CEO & Founder ]

 

team3

Abukar Ahmed [ Chief Instructors ]

 

team4

Abdiwali Hasan [ Marketing ]

 

team2

Abdirahman Dirie [ Consultant ]